Aragtida
Sanduuqa Tababarka ee CCPU waxa uu ka shaqaynayaa nidaamka waxbarashada carruurnimada hore kaas oo mudnaan siiya baahiyaha iyo horumarinta bixiyayaasha daryeelka ilmaha ee qoyska. Sanduuqa Tababarka ee CCPU waxa uu ka shaqeeyaa hubinta in bixiyayaasha daryeelka ilmaha qoyska, kuwaas oo bixiya waxbarasho bulsho oo ku salaysan carruurnimada hore, tayo sare leh, dhaqan ahaan wanagsan, la qiimeeyo, la ixtiraamo, lana taageero. Waxaanu hiigsanaa adduun halkaas oo annagoo ah bixiyeyaasha daryeelka carruurta qoyska aan ku helno taageero isku dhafan sida barayaasha, milkiilayaasha ganacsiga, hoggaamiyeyaasha bulshada, xubnaha ururka, iyo bini’aadamka. Bixiyeyaasha daryeelka ilmaha qoysku waa barayaasha carruurnimadaa hore ee lagama maarmaanka ah, waxaanan taageernaa oo aan maalgelinnaa qoysaska ay sida aadka ah u saamaysay faqriga iyo cunsuriyadda baahsan ee bulshooyinka aan loo adeegin ee Kalifoorniya. Waxaanu aaminsanahay maalgelinta xoogga shaqada iyo tayada nolosheenna, waxaan hubineynaa in dhammaan carruurta, gaar ahaan bulshooyinka Madowga ah, Asaliga, Laatiinka, iyo AAPI, ay helaan waxbarasho carruurnimada hore oo tayo sare leh oo dhammaystiran.
Hadafka
Hadafka Sanduuqa Tababarka ee CCPU waa in la siiyo fursado horumarin xirfadeed oo tayo sare leh oo ku salaysan shaqaalaha bixiyayaasha qoyska iyo in la dhiso ixtiraamka wax ku biirinta waxbarashada caruurnimada hore. Markaan niraahno bixiyeyaasha daryeelka ilmaha qoyska, oo ay ku jiraan qoyskayaga, asxaabta, deriska, iyo bixiyeyaasha daryeelka ilmaha ee shatiga leh. Dhammaan bixiyeyaasha daryeelka ilmaha qoyska waa lama huraan waxayna mudan yihiin taageero.
Sanduuqa Tababarka ee CCPU wuxuu bixiyaa horumarin xirfadeed iyadoo lagala tashanayo bixiyayaasha daryeelka ilmaha qoyska wixii ku saabsan yoolalkayaga waxbarashada xirfadeed ee gobollada iyo luqadaha. Barashadayada fac-wadaagga ah waa lagu wargeliyaa oo waxa hoggaamiya bixiyeyaasha loogu talagalay bixiyeyaal iyada oo diiradda la saarayo horumarinta ganacsiga iyo horumarinta carruurta. Shaqadeena waxaa lagu fuliyaa in la isu keeno barayaasha hore si ay u qaabeeyaan oo ay u fududeeyaan barnaamijyo tababaro iyo waxbarasho oo ku salaysan shaqaalaha, ku salaysan xiriir oo la heli karo. Waxaan bixinaa nidaamyada taageerada isku duuban si loo xaqiijiyo helitaanka, oo ay ku jiraan qaybinta qalabka oo bilaash ah (sida taabletka iyo hot spotka) iyo maalgelinta kaalmada lacagta waxbarashada ee bixiyeyaasha si aan u sii wadno yoolalkayaga la xiriira waxbarashada sare.
Waxaanu hiigsaneynaa in aan hubinno in dhammaan xirfadlayaasha waxbarashada carruurnimada hore ay dareemaan ku hawlanaan iyo awood-siinta xirfadaheena, oo aan ixtiraam u hayno oo si fiican loo magdhabo, oo ay heli karaan horumarinta xirfadeed ee ku salaysan macalinka taas oo buuxinaysa baahideena. Habka ay asaageen u hogaaminayaan ee horumarinta xirfadeed waxay dhistaa oo xoojisaa shabakadaha bixiyeyaasha dhexdooda taas oo aan ku helno taageero oo aan isku caawinno adkeysiga si aan u qabsano shaqadeena.
